Muqdisho: (Sh. M. Network) Saakay ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxa lagu aaskay Allaha Unaxariistee Agaasimihii Idaacadda iyo Tv-ga Shabelle Xasan Cismaan Cabdi (Xasan Fantastic) kaasi oo shalay kooxo hubaysan ay ku dileen hoy uu ka daganaa Xaafadda Nasteexo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Aaska agaasimihii Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ka qeyb galay… [Read more…]
hacdadii ay 5ta caruurta ahi ku dhinteen ee degmada Jilib taas oo ka dhalatay duqeyn ay diyaaradaha kenya geysteen, warsaxaafadeed shirkaas jaraa’id kadib xafiiska Raysal wasaaraha kasoo baxay oo nuqul kamid ahi uu Horseed Media soo gaarey aya u qornaa sidan: War-saxaafadeed Shirkan Jaraa’id waxuu ku saabsanyahay dhacadii ka dhacday Axadii degmada Jilib oo diyaaradaha… [Read more…]
Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaalo xalay ka dhacay deegaanada Qooqaani iyo Taabto ee gobolka J/hoose. Ilaa iyo 7 ruux oo ahaa dhinacyadi dagaalamayey ayaa ku dhintay iska hor imaadyo ciidamada dowlada oo garabsanaya milatariga Kenya iyo Al shabaab oo dhinac ah oo ka dhacay duleedyada Qooqaani iyo Taabto. Saraakiil ka tirsan ciidanka… [Read more…]
Wasiirka gaashaandhigga oo hambalyo u diray ciidamada qalabka sida meel kasta oo ay joogaan kadib guulihii ay ka gaareen howlgallada ay ka wadaan dalka gaar ahaan magaaladda beledweyne oo ay saaka la wareegeen CXDS. R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Soomaaliye Xuseen Carab Ciise oo maanta wareysi gaar ah siiyay war baahinta qaranka ayaa ugu… [Read more…]
Waxaa maanta magaalada Boosaaso qarax lagula beegsaday Wasiirka maaliyadda ee Puntland Faarax Cali Shire iyo Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan. Qaraxa oo ka dhashay Miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala bartilmaameedsaday xilli labada Mas’uul oo ay weheliyaan ilaaladooda gaarka ahi ay kusii jeedeen dhinaca guriga wasiirka Maaliyada oo ku yaala dhabarka danbe ee… [Read more…]
Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” iyadoo lala kaashanayo saacidaada beesha caalamka iyo waddamada deriska ah. “Maanta, shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxey u istaageen la dagaalanka kooxaha sheydaamiinta ee Al-Qaeda iyo Al-Shabaab oo in muddo ah ku hayey argagaxisnimo iyo dil ay u… [Read more…]
Sida wararkii ugu danbeyey ay shegayaan Ciidamada Ethiopia iyo kuwo aan badneyn oo Soomaali ah ayaa lagu arkayaa Gudaha magaalada Baladweyne ka dib markii ay ka baxeen Ciidamadii Al-Shabaab ee horey ugu sugnaa halkaas. Warka ayaa sheegaya in aan la ogey xarakada Al-shabaab ciidamadoodii halka ay ka baxeen ka dib dagaalkii saakey oo ahaa mid… [Read more…]
Maxkamad ay Al Shabaab ku leeyihiin degmada Balcad ayaa shalay fulisay xakuno isugu jira rajmin (Dhagax nafta uga goyn) iyo adima goyn oo lagu fuliyey laba nin oo lagu helay danbiyo culus. Qaadiga maxkamada AL Shabab ee degmada Balcad ayaa garoonka degmada kala hadlay dadweynaha isaga oo ka hor aqriyey danbiyada lagu soo kala eedeyey… [Read more…]
Dagaalo xoog leh ayaa ka qarxay saakay duleedka Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Al Shabab. Dagaalada oo sida la sheegayo ay ka qeybgalayaan ciidamo Ethiopian ah ayaa waxa qaaday ciidanka dowlada oo sadex jiho ka weeraray magaalada. Saraakiisha hogaamineysa ciidanka dowlada ayaa sheegtay in ay qabsadeen garoonka… [Read more…]
Wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyaga oo ka soo ambabaxay magaalada Bosaaso ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo booqasho labo todobaad qaadatay uu ku tegay. Ka hor inta uusan ka soo dhoofin Ra’iisul Wasaare Gaas magaalada Bosaaso… [Read more…]
Xildhibaan labaad oo isu soo sharaxay xilka gudoomiyaha baarlamaanka Iyadoo wali uu xilka gudoomiyaha baarlamaanka ku fadhiyo Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa waxaa mar kale xilkaasi isu soo taagay mudane kale oo ka tirsan baarlamaanka. Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ah xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Bay iyo Bakool ayaa maanta iclaamiyey inuu u… [Read more…]
Raysalwasaaraha Turkiga Racep Tayyip Erdogan iyo wefdiga uu hoggaaminaayo ayaa subaxnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde. Wefdiga Raysalwasaaraha ayaa ka koobnaa xaaskiisa Emine Erdogan iyo gabadh uu dhalay, waxaana ku wheliyey masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda iyo baarlamaanka dalka Turkiga, waxaana kamid ahaa masuuliyiinta safarkiisa ku weheliyey: Kuxigeenka Raysalwasaaraha Bekir Bozdag,… [Read more…]
Waxaa goordhaweyd ka degay garoonka Adan Adde International wefdi balaaran oo uu hoggaaminaayo Raysalwasaaraha Turkiga Racep Tayyip Erdogan. Raysalwasaaraha Turkiga waxaa ku wehliya safarkiisa Xaaskiisa iyo gabadh uu dhalay, sidoo kale waxaa la socda afar ka mid ah golihiisa wasiirada oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha dibadda Ahmet Davutoglu. Magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu… [Read more…]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Safarka Madaxweynaha oo aan horey loo sii shaacin ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti uu u kuurgelaayo isbedelka magaalada Muqdisho ee dhanka amaanka, sidoo kale waxa uu indhihiisa ku soo arkayaa xaladda bini’aadanimo ee ka taagan… [Read more…]
January 29, 2012
0